Dagaal ka dhacay degmada Buur-hakaba iyo Khasaare badan oo ka dhashay

Afar askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay degmada Buurhaba ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidan ka wada tirsan maamulka Koonfur-Galbeed oo ku wada sugnaa degmadaas.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadkan ayaa bilowday markii ciidamo hubeysan ay weerareen bar kontrol oo ku taalla degmada Buur-hakaba iyagoo doonayey iney soo qabtaan askar joogtay kontrolkaas oo shalay halkaas ku dilay labo qof oo shacab ah.

Xaalada degmada Buur hakaba ayaa la sheegay iney kacsan tahay, waxaana socda dedaalo lagu xalinayo xiisada ka dhex aloosan ciidamada halkaas ku wada sugan kaasoo ay wadaan saraakiil iyo waxgarad degmadaas ku sugan.

Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada maamulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -