Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Naadiga Muqdisho City oo la ganaaxay, amarna lagu siiyay inay raali gelin bixiyaan (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa Maanta xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Kulan Cayaareedkii  2-dii Augusto 2021, Gaba-gabada u ahaa (Finalka) Horyaalka Kubada Cagta dalka oo ay Naadiga Dowlada Hoose ee Xamar ka baaqsatay in ay la cayaarto Naadiga Horseed.

Dood-dheer iyo falanqeyn kadib; Waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir Amaan iyo Mahadcelin ujeediyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qeybahooda kala gedisan Juhdiga iyo Waqtiga ay geliyeen sugida Amniga kulan Cayaareedkaasi iyo guud ahaan Waqtiga ay ku bixiyeen sugida Amniga Horyaalka Kubada Cagta dalka.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Ganaax dul-dhigay Guddoomiyaha Naadiga MCC, taasioo ah in Muddo 2-Bilood aysan heli doonin Wax gunno ah, kadib markii ay si iskood go’aan u qaateen in ay ka baaqsadaan Cayaartii Finalka aheyd ee Horyaalka Kubada Cagta dalka.

Ugu danbeyn waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir faray Maamulka Naadiga MCC in raali gelin buuxda ay siiyaan Taageerayaasha, Cayaartoyda iyo Dhamaan Bahda Isboortiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo la shiray Wasiirada Jubbaland (Muxuu kala hadlay)

Caydiid Ali

Coronavirus oo weeraray Aqalka Congresska Maraykanka (Xildhibaano laga helay)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo sabab u noqday Dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---