Madaxweyne Deni oo sabab u noqday Dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga

Waxaa lagu waday 27-ka bisha n oo ku beegan beri oo Isniin ah in magaalada Muqdisho ka furmo shirka gollaha wadatashiga Qaran ay isugu imaan lahaayeen Ra’iaul Wasaaraha Xukuumada iyo madaxda dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo si weyn loo sugayay go’aanada kasoo bixi doona ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntaland Siciid Cabdullaahi Deni codsaday in mudo isbuuc dib loogu dhigo si uu u xaliyo dagaalka Boosaaso.

Sida aan wararka ku helnay dib u dhaca ku yimid shirkan ayaa laga yaabaa in ay uga sii darsto khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo ku aadan doorashada.

Shirka golaha Wadatashiga ayaa wararku sheegayeen in la qorsheenayay in madaxda shireysa isbadal ku sameeyaan heshiiskii 17-dii sebtember laguna soo koobo doorashada min hal magaalo taas uu kasoo horjeedo Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku shaaciyay in Ra’isul Wasaare Rooble ku fashilmay hogaaminta Doorashada isagoona ku baaqay in shir weyne wadatashi ah la isugu yimaado.

- Advertisement -