Dayax Madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa qarnigan oo 19ka bishan la filayo & Somalia oo..

Inta lagu jiro saacadaha hore 19-ka bishan Nofambar waxaa la saadaaliyey inuu dhacayo Dayax-madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa qarnigan 21aad waxaana 97% la waayi doonaa iftiinka dayaxa taasoo ka dhigaysa midabkiisa mid casaan ah.

Sida laga soo xigtay heyadda NASA, dayax-madoobaadka qayb ahaan wuxuu socon doonaa 3 saacadood, 28 daqiiqo, iyo 23 ilbiriqsi.

Dayax-madoobaadkan lagama arki karo adduunka oo dhan waxaaana intiisa badan uu saameyn doonnaa Dadka ku nool Waqooyiga Ameerika iyo bariga qaarada Asia.

Dadka ku nool dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka, Kanada, iyo Mexico waxay daawan karaan guud ahaan dayax madoobaadka oo dhan.

“Uma baahnid telescope ama muraayad – si fudud u bax bannaanka oo fiiri cirka wakhti kasta inta u dhaxaysa 2:19 am. illaa 5:47 am xiliga woqooyiga Amerika” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay heyadda NASA.

Dadka ku nool Koonfurta Amerika iyo galbeedka Yurub ayaa sidoo kale arki doona inta badan dayax madoobaadka, inkastoo dayaxu uu dhici doono ka hor inta aanu dhammaan.

Sidoo kale,  Dadka ku nool galbeedka Asia ayaa seegi doona qeybta hore ee dayax madoobaadka maadaama uusan dayaxu weli u soo bixin.

Dadka ku nool guud ahaan qaarada Afrika oo ay ku jirto Somalia iyo Bariga Dhexe ma arki doonaan dayax madoobaadkan sababtoo ah xiliga uu dhacayo iyaga waxay u tahay maalin.

NASA waxay sidoo kale saadaalisay 179 dayax madoobaad oo dhici doona siddeetanka sano ee soo socda, celcelis ahaana sannadkii waa laba jeer Dayax-madoobaadka kan xiga ayaa dhici doona bisha May 16 sanadka soo socda 2022.

HOOS KA DAAWO JANTUSKA MEELAHA UU SAAMEYN DOONO DAYAX MADOOBAADKA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -