Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Gudiga Adeega Garsoorka Koonfur Galbeed oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudiga Adeega Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhowaan Madaxweynaha uu Magaacabay.
 
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gudiga Adeega Garsoorka kula dardaarmay inay si cadaalad ah ugutaan waajibkooda shaqo ayna u cadaalad falaan bulshada.
 
“Dowladnimadu bilowgeeda iyo aas-aaskeeda waa garsoor iyo cadaalad hadii cadaalada iyo garsoorka uu galo walaac,baqdin iyo shaki oo uu istaagi waayo dowladnimadu maistaagto, waxaan ubaahanahay dadka reer koonfur galbeed meel waliba ay joogaan inay cadaalad helaan, xukunkaan iyo dowlada koonfur galbeedna ay ka helaan dadka hormuudka unoqonaayo oo larabo inay ka shaqeeyaan waa idinka waxaan idinkula dardaarmayaa inaad howshaas si cadaalad ah aad ugu adeegtaan bulshada.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudi Rabi uga bariyey in xilka loo igmaday la garab galo lana fududeeyo howsha adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Xog ku aadan Shaxda Deegaan doorashada Xildhibaanada iyo kuraasta loo qoondeeyay

admin

RW Khayre & Wasiirka A/dibaddda Norway oo ka wada hadlay xakameynta COVID-19

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray dagaal beeleed ka dhacay Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---