Allbanaadir.com
NEWS

Qarax gaari oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa caawa ka dhacay xaafada Hantiwadaag oo ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho kaasoo laga maqlay xaafado Ku dhow degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaari la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan dowlada Somalia.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in qaraxan uusan geysan wax khasaare ah marka laga reebo burbur soo gaariga.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo halkaas ka wada baaritaano, wuxuuna noqonaya qaraxii labaad ee ka dhaca degmada muddo 24 saac gudahood ah.

Xalay ayey aheyd markii qarax loo adeegsaday bam gacmeed lagu weeraray xarunta maamulka degmada waaberi oo ay ka socotay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey arday dhameysatay barashada Quraanka kariimka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mustaqbalka Abiy Axmed ee Hogaaminta Itoobiya iyo Xaaladaha adag ee ku gadaaman

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda oo xilka laga qaaday kaddib Macalinkii Al Shabaab u…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---