Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda oo xilka laga qaaday kaddib Macalinkii Al Shabaab u…

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne  Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyhii Jamacadda Umadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, iyadoo loo magacaabay xilka sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144 .

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal .

Wasiirka Waxbarashada ayaa wareegtada uu soo saaray kaliya ku cadeeyay in uu xilka laga qaaday guddoomiyihii jaamacadda Umadda ,lamana cadeyn sababaha keenay in xilka laga qaado guddoomiyaha Jaamacadda Umadda.

Xil ka qaadista guddoomiyaha Jaamacadda Umadda ayaa kusoo aadeysa kaddib markii mid kamid ah macalimiinta Jaamacadda wax ka dhigayay, sidoo kale ahaa abwaan  uu dhawwaan u baxsaday kooxda Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxyadii Sri-lanka & geerida oo tirabeel noqotay (Sawirro)

Caydiid Ali

Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Caruur agoon ah iyo Barakacayaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Guri kuyaala Muqdisho oo mudo 30-sano xoog lagu heestay oo maanta la wareejiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---