Safaarada Maraykanka ee Magaalada Addis ababa oo digniin adag soo saartay

Safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ayaa war ka soo saartay xaalada Itoobiya ee sii xumaaneysa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Shaqaalaha Safaaradda ayaa laga mamnuucay inay u safraan meel ka baxsan magaaladda Addis Ababa.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya ayaa sidoo kale ayaa lagu wargeliyay inay isu diyaariyaan inay dalka ka baxaan iyadoo kuwa u soo safraya loogu baaqay inay ka fiirsadaan.

“Safaarada Maraykanka ayaa sii wada inay si dhow ula socoto isbedelada ka socda waqooyiga Itoobiya waxayna ka war qabtaa dagaalada xoogan ee ka socda gobolka Axmaarada oo ay ku jiraan agagaarka Dessie iyo Kombolcha. Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Axmaarada iyo Canfarta waa in ay la socdaan warbaahinta gudaha haddii ay ku dhow yihiin meelaha ay colaaduhu ka jiraan, waana in ay si adag uga fiirsadaan ka bixista deegaanadaas” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaarada.

Sidoo kale safaarada ayaa baaq u dirtay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gobolka Tigray.

“Sidii hore loo sheegay, gobolka Tigray ma laha xiriir isgaarsiineed oo la isku halayn karo. Adeegyada aasaasiga ah iyo waxyaabaha muhiimka ah sida cuntada, shidaalka iyo lacagta ayaa weli xaddidan. Dhaqdhaqaaqa gobolka waa xaddidan yahay safaaradda Maraykankuna ma awooddo inay la xiriirto muwaadiniinta Mareykanka ee Tigray ku sugan” ayaa lagu yiri qoraalka safaarada oo ku soo beegmay xili woqooyiga itoobiya ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF, isla markaana xukun deg deg ah looga dhawaaqay dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -