Dowlada Imaaraadka oo Qadar ku eedeeysay Khilaafka kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeesay Dowlada Qadar in ay ka dambeyso khilaafka kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya, waxa ayna Imaaraadka aaminsan yihiin in Qadar gadaal ka riixeyso Khilaafka labada dal.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay in dowlada Qadar ka dambeyso khilaafka xoogan ee xiligan ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Anwar Qarqaash ayaa sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaraaadka uusan u khalmin in heerkaasi gaaro waxyeelana u geesto Walaalinimadooda, waxa uuna xusay in Imaaraadka ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya .

Wasiirka ayaa isweediiyay ilaa xiliga uu sii socon karo khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uuna xusay in dowlada Qadar ka faa’iideesatay khilaafkan gadaalna ka riixeyso.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa mar kale ku celiyay heshiiskii Dekadda Berbera Imaaraadka uu la galay dowlada Federaalka ayna Marqaati ka ahaayeen dowlad goboleedyada.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xiligan waxaa ka dhax aloosan khilaaf xoogan oo saameyn ku yeeshay xiriirkii soo jireenka ahaa, Imaaraadka ayaana gabi ahaan joojiyay tababaradii iyo taageeradii ay siin jireen ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -