Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Somalia oo dood kulul ka yeeshay cutubka 4-aad ee Dastuurka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad iyo labaad oo la gudo galay maalintoodii labaad, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana  ay ku boggaadiyeen guddiyada dastuurka sida ay u soo qaabeeyeen qodobada dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay ku soo kordhiyeen.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray gunaanadka kulanka ayaa waxa uu sheegay dooda cutubkan afaraad ay sii socon doonto maadaama uu aad u balaaran yahay.

Related posts

Xildhibaano ka tirsan Puntland oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari

Caydiid Ali

Daawo: Waare oo Muqdisho ka bilaabay qorshe cusub & Puntland oo mar kale eedeysay DF

Caydiid Ali

Dumarka dal kuyaala Latin Amerika oo lacag lagu siinayo in ay guursadaan rag Shiineys ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---