Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Scott Morrison oo lagu eedeeyey inuu been u sheegay Warbaahinta

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay.

Macron oo la waydiiyay inuu u malaynayo in Mr Morrison uu run sheegayey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Uma malaynayo, waan ogahay.”

Waxaa uu aad uga carooday ka dib markii Australia ay baabi’isay heshiis ku kacaya $37bn (£27bn) oo lagu dhisayo 12 markab oo badda quusa, taa beddelkeedana ay heshiis cusub oo difaac ah la gashay Mareykanka iyo UK – gaar ahaan waxa loogu yeero Aukus.

“Dalkiina aad baan u ixtiraamayaa, dadkiina waxaan u hayaa ixtiraam iyo saaxiibtinnimo badan, waxaan leeyahay marka aynu ixtiraamno waa inaad run noqotaan oo aad u dhaqantaan sinnaan iyo si joogto ah uga turjumaysa qiyamkeenna.” ayuu sidoo kale intaas ku daray

Kulankii labadooda ee G20 ayaa ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii uu khilaafku soo shaac baxay bishii September.

Madaxweyne Macron waxa uu weriye Australian ah weydiiyey inuu mar kale aamini karo Mr Morrison iyo in kale.”Waan arki doonaa waxa uu la yimaaddo,” ayuu ku jawaabay Mr Macron oo ka qeyb galayey shirka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Sawirada: Farmaajo oo ka qeyb galay Furitaanka Madasha Iskaashiga Afrika iyo …

Cabdi Cade

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo ka dhoofay dalka Sudan iyo halka uu aaday oo al shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo kusoo wajahan Muqdisho iyo xog ku aadan halka la dejinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---