Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Canada oo shaacisay iney qaadaneyso Qaxooti Soomaali ah oo laga diiday dal kale

Dowlada Canada ayaa shaacisay inay dalka Australia ka soo qaadaneyso Qaxooti gaaray 240 qof oo Soomaali ah

Qorshaha Dowlada Canada ku soo qaadaneyso Qaxootiga waxaa iska kaashanaya Dowlada iyo Hay’adda UNHCR oo dhanka Qaxootifa u qaabilsan QM.

Australia ayaa Qaxootigan u diiday sharciga waxayna ku dhibaateysan yihiin dalkaasi 150 ka mid ah waxay ku jiraan xarun qaxooti loomana ogola in banaanka u baxaan.

Canada ayaa horay u balan qaaday in uu Qaxooti ka soo qaadanayso dalalka caalamka qaarkood.

Canada ayaa ah dal qaxootiga ku sugan ee Sharci la’aanta ah ay shaqeysan karaan si la mid ah dadka kale, dowladuna kuma cadaadiso iney dalka ka baxaan ama galaan xarumo gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Isbitaalka Banaadir oo la dhigay dad badan oo ku sumoobay boorash ay cabeen

Cabdi Cade

Farmaajo oo Lacagtii ugu badneed siiyay Xildhibaanada iyo Musharaxiinta qaar oo iyana lacago badan bixiyay

Cabdi Cade

Xildhibaan ku waayay Xil Wasiirnimo oo loo magacaabay dhaar uu gefay !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---