Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah uu fuliyay nin naftiis halige ah oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa goordhaw ka dhacay xaafad katirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay agagaarka xaafada Macaane, gaar ahaan bar la sheegay in ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan hay;adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhashay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah, kuwaa oo goobta ka qaaday askartii iyo dadkii kale ay waxyeeladu so gaartay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, kooxda Al Shabaab ayaana dhankeeda sheegatay masuuliyadda qaraxan  iyada oo ku faantay in khasaaro badan ku gaarsiisay ciidanka NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in uu qabsan doono dalal ay Canada ku jirto

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oon si nabad ah ku wareejin doonin xilka hadii laga guuleesto

Cabdi Cade

Tirada meydadka laga helay keynta Shakhola oo sii korortay iyo dad hor leh oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---