(Akhariso) Shuruudaha ka mid noqoshada Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Kulanka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ayaa waxaa laga soo saaray shuruudaha ka mid noqoshada ergooyinka beelaha ee soo dooranaya Xildhibaanada golaha shacabka.

Xildhibaan kasta sida horey loo shaaciyey waxaa dooranaya 101 ergo oo ka tirsan beesha iska leh kursigaas, waxaana ergay walba laga rabaa inuu soo buuxiyo shuruudaha hoos ku xusan.

1- Inuu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.

2- In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano

3-  In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo

4- In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada

5- In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna

6- In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.

7- In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada

8- In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -