Sheekh Shaakir oo Shaaciyay in aan Dagaal looga saarin Guriceel balse Sabab kale uga baxeen

Hogaanka kooxda Ahlu Sunna ayaa ka hadlay markii ugu horeesay sababaha keenay in ay isaga baxaan magaalada Guriceel oo mudo afar maalin oo xiriir ah kula dagaalamayeen ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug.

Sheekh Shaakir Cali Xasan Hogaamiyaha kooxda Ahlu Sunna ayaa cadeeyay in magaalada Guriceel aan looga saarin ciidankooda awood ciidan balse uga baxeen codsi uga yimid dhinacyo kala duwan ay ugu horeeyaan waxgarad, Senatro iyo qeybo kamid ah bulshada.;

Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in ciidankooda hada joogaan deegaanka Bohol oo katirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna cadeeyay in ay tixgaliyeen codsiga kaga yimid dhinacyada kala duwan sidaasna magaalada uga baxeen.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Dowlada federaalka dib ugu celiyeen labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo isugu jiray Beebe iyo gaari Cabdi Bille kadib markii sidaasi ka dalbadeen waxgaradka magaalada.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed u caddaynayaa in aan Guriceel uga baxnay Codsi nooga yimid Culimada, Ganacsatada, bulshada rayidka, senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ,Waxay kaloo naga codsadeen in aan ku wareejino labadii gaari ee lagu xasuuqay dadkii lagu laayay deegaanka Bohol in aan ku wareejinno iyaga waana ku wareejinnay” ayuu ku yiri Sheekh

Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, ayna tahay nasiibdarro Somalia usoo hoyatay.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ay socdaan waan waan iyo wadahadalo xal looga gaarayo dagaalkii ka dhacay magaalada Guriceel, waxa uuna xusay in ay ogolaadeen dhankooda in wax walbo wadahadal lagu dhameeyo.

Warkan kasoo baxay Hogaanka AHlu Sunna ayaa kusoo aadaya xili magaalada Guriceel ka dhaceen dagaal socday mudo afar maalin ah kaa oo galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayna ku jireen saraakiil ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -