Saciid Deni oo ka hadlay doorashadii ka dhacday Puntland, eedeyna u jeediyey Farmaajo

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shacabweynaha Puntland gaar ahaan bulshada degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ugu hambalyeeyay Doorashadda goleyaasha degaanka ee maanta ka dhacay degmooyinkaas.

Codadkii laga dhiibtay saddexdaas degmo intooda badan ayaa waxa ku guuleystay intooda badan urur siyaasadeedka KAAH ee uu hogaamiyey Deni.

Madaxweynaha ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul Soomaaliyeed oo Puntland ay horseeday, wuxuuna u mahadceliyay Guddiyada ka shaqeeyay, Ciidamada Amniga, Ururada Siyaasada, Warbaahinta iyo Shacabka degmooyinka doorashadu ka dhacday.

Deni ayaa uga mahad celiyey shacabka degmooyinka ay doorashadu ka dhacday sida hufan ee ay codadkooda u dhiibteen.

“Waxaan u hambalyeenayaa Shacabweynaha Puntland gaar ahaan bulshada degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Doorashadda goleyaasha deegaanka ee taariikhiga ah ka qabsoomtay” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Villa Somalia ay ja gaabsatay iney Puntland ugu hambaleyso doorashada ka dhacday taasoo uu sheegay iney cadeyn u tahay in Farmaajo uusan rabin doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -