Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Britain oo balan-qaaday iney saddex arrin ka taageereyso dowlada Somalia

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mike Nithavrianakis.

Waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee Somalia iyo Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee howlgallada looga ciribtirayo Al-shabaab goobaha dalka kaga sugan yihiin iyo dardar-galinta barnaamijka xasillinta degaannada la xoreeyey.

Sidoo kale Salah Jamac ayaa ka waramay hirgalinta mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Dhankiisa Danjiraha ayaa soo dhaweeyey guulaha laga gaaray dagaalka Al shabaab isagoo balan qaaday in UK sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga horumarinta iyo gargaarka bani’aadantinimo.

Related posts

Dabley ka tirsan Al-shabaab oo shaqaale ajnabi ah ku weeraray gudaha Kenya

Caydiid Ali

Sacuudiga oo xabsi kasii daayay Maxbuuskii ugu Da’da yaraa oo u xirnaa Dowladda

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka ISDB-2023 oo ka furmay Jeddah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---