Ahlusunna oo dalbatay in duqeynta laga joojiyo & kulamo caawa ka socda Guriceel

Kooxda Ahlu sunnada hubeysan ee Guriceel ka dagaalameysa ayaa la soo sheegayaa iney qayb ka mid ah ogolaatay inay is dhiibto kadib dagaal ay kula jireen ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug muddo afar cisho ah.

Go’aankan oo ay qaateen Maleeshiyaad kasoo jeeda degaanada Bohol iyo Sangooye ayaa ku soo beegmay xili maanta iyo shalay duqeymo culus loo geystay dhismaha Jaamacadda oo ay gabaad ka dhigteen Shiikh Shaakir iyo xoogaga taabacsan.

Saraakiil ka tirsan Ahlu sunna ayey wararku sheegayaan iney ka dalbadeen ganacsato iyo waxgarad ay la xiriireen in duqaymaha laga joojiyo si ay isugu dhiibaan ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la sheegay inuu aqbalay arrintaas, isagoo Guriceel u soo diray mas’uuliyiin uu ka mid yahay ganacsade Xaashi Carabey oo caawa gudaha u galey dhismaha Jaamacada halkaasoo uu kulamo kula leeyahay Shiikh Shaakir iyo saraakiisha la joogta, lamana oga natiijada ka soo bixi doonta wadahadalkan.

Xaalada Degmada Guriceel oo galabta ay ka dhaceen dagaalo culus ayaa caawa dagan waxaana dib u furmay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga, iyadoo ay dib u soo labteen  korontada iyo biyaha Magaalada oo maqnaa afartii maalmood ee la soo dhaafey.

Inta badan degmada Guriceel waxaa lagu arkayaa ciidamada dowlada oo amniga sugaya isla markaana si feejigan u hubinaya dhaqdhaqaaqa shacabka lugeynaya iyo gaadiidka isaga gooshaya xaafadaha.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -