Yaa Hogaaminaya Ciidanka Dowlada ee Dagaalka kula jira Kooxda Ahlu Sunna (Magacyada)

Magaalada Guriceel waxaa wali ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya ay wehliyaan kuwa Mamaulka Galmudug iyo ciidamada kooxda Ahlu Sunna ee dhawaan qabsatay magaalada Guriceel.

Dagaalka ka socda magaalada Guriceel waxaa ku daatay dhiig badan oo labada dhinac iyo dad shacab ah, waxa uuna u muuqdaa dagaalka wali mid aan lagu kala bixin oo labada ciidan wali kuwada sugan yihiin gudaha Guriceel.

Dowlada Federaalka iyo Galmudug ayaa awood ciidan ku doonaya in meesha uga saaraan awooda kooxda Ahlu Sunna ee ku sugan magaalada Guriceel, halka kooxda Ahlu Sunna iyana dooneyso in Guriceel xajisato si ay gor gortan ugu gasho.

Ciidamada Dowlada ee dagaalka kula jira  Ahlu Sunna waxaa hogaaminaya saraakiil sar sare oo katirsan ciidanka Dowlada, waxaana saraakiisha dagaalka hogaamineysa ku jira Taliyaha Ciidanka Xooga Jen. Odawaa iyo Taliyaha Booliiska G/Banaadir Farxaan Qaroole.

Saraakiisha kale ee hogaamineysa ciidanka dowlada waxaa kamid ah Taliyaha guutada 15 aad ee qaybta 21aad ee ciidanka Xoogga dalka Gen Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha Guutada 5-aad, gaar ahaan Qeybta 27-aad, Korneyl Maxamuud Xasan Baakaay.

Dagaalka ka socda magaalada Guriceel ayaana galaaftay nolosha Saraakiil katirsan ciidanka dowlada ,kuwa Galmudug iyo saraakiil katirsan xoogaga Ahlu Sunna , dagaalka ayaana wali lagu kala bixin iyadoona labada ciidan wali is hor fadhiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -