Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Tunis (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada wadankaas.

Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ah ee Tokyo iyo Africa  (TICAD).

Shirkan ayaa maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirku waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda, waxaana looga hadli qodobo ku saabsan horumarinta Afrika.

Related posts

Dowlad ka tirsan caalamka oo dayuurado u kacsatay la dagaalanka Dooli ka yaabsaday

Caydiid Ali

Shirka Garoowe Maxaa laga filan karaa? fursado iyo caqabado is garab yaalla!

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo dalka ka dhoofay, balan-qaad muhiim ahna sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---