Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho ka dhacday Xarun Ganacsi oo kutaala dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)

Nin hubaysan ayaa toogasho ka geestay xarun ganacsi oo kutaala gobolka Idaho ee katirsan dalka Mareykanka, waxaana toogashadan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay booliiska gobolka ayaa la sheegay in toogashadan ku dhinteen labo qof halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale uu ku jiro sargaal katirsanaa ciidanka booliiska oo goobta gaaray.

Taliyaha booliska gobollka Boise Ryan Lee ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ciidamada booliiska si deg deg ah u gaareen goobta toogashada ka dhacday, waxa uuna xusay in iska hor imaad booliiska iyo ninka hubeesan dhax maray ku dhaawacmay sargaal .

Waxa uu sheegay taliyaha booliiska Gobolka Idaho in ciidamada gacanta ku dhigeen ninka geestay weerarka , waxa uuna sheegay taliyaha in ay socdaan baaritaano ku aadan toogashadan iyo waxa ay salka ku heyso.

Dalka Mareykanka waxaa si joogta ah uga dhaca toogashooyin loo geesto dadka shacabka ah, waxaana toogashooyinkan sabab looga dhigaa in dadka caadiga ah ay heestaan hub sharciyeesan iyo mid sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Khaatumo oo Eedeyn u jeediyay Muuse Biixi Baaqna u diray beesha Caalamka

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sambaloolshe oo sheegay in Farmaajo uu ku shaqeysanayo Rooble iyo Q/Midoobay oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---