Natiijada Hordhaca Doorashadii ka dhacday degmada Ufeyn oo la shaaciyay (Akhriso)

Waxaa wali socotada tirinta codadka doorashada qof iyo codka ee shalay ka dhacday sadex degmo oo katirsan Puntland, doorashadan ayaana ah mid loogu tartamayo golayaasha deegaanka ee degmooyinkaasi.

Doorashada qof iyo codka ah ay ku tartamayaan Ururo siyaasadeed oo ka jira Puntland ayaa waxa ay shalay ka dhaceen degmooyinka Qardho ,Ufeyn iyo Eyl, waxaana socda tirinta codadka la dhiibtay, iyadoona hada soo baxayaan natiijooyin horu dhac ah.

Xisbiga Kaah uu hogaamiyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaaminaya codadka horu dhaca ah ee laga shaaciyay doorashadii ka dhacday Ufeyn, waxaana kusoo xdiga xisbiga Mideeye.

Halkan ka akhriso Natiijada horu dhaca ah ee Ufeyn ay shaaciyeen guddiga doorashada

Kaah 1687
Mideeye 1300
Sinaan iyo Cadaalad 1248
Mustaqbal 192
Horseed 180
Runcad 47
Shaqaalaha 13
Dhalinyarada 11
Ifiye 8

Waxaa jira codad halaabay iyo kuwa lagu muran sanyahay ay ku hoolan yihiin guddiga doorashada, waxaana la filayaa in natiijada kama dambeysta ah ee doorashada dib laga shaaciyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -