Laftagareen oo Saxiixay Qorshaha Horumarinta Koonfur Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saxiixay Qorshaha Hormarinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya 2021-2025 oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qorshahan Hormarinta ah ee Wasaaradda Qorshaynta DGKGS ay Diyaarisay ayaa ka kooban 4 tiir oo waaweyn. Kuwaas oo kala ah: Hormarinta Dhaqaalaha,Hormarinta adeega Bulshada,Xojinta Amniga & sareynta Sharciga,Cadaalada; Dhex-dhexadinta iyo Dardar-gelinta Siyaasada loo dhan yahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo furey Barnaamijka Qorshaha Hormarinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa umahadceliyey Cid waliba oo kaalin ka geysatay qorshahan oo ugu horeyaan Howlwadeenada Wasaaradda Qorshaynta waxaana uu tilmaamay Madaxweynaha muhiimada qorshahan uu uleeyahay Bulshada ku nool Deegaanada Koonfur Galbeed.

“Dowlad aan qorshe laheyn, ama hanaan ku shaqeyneysa laheyn waa dhibaato, Dowladnimada waa iney qorshe leedahay, qorshaha la qabto waa midka Madaxweynaha balan qaadey, waa arin la rabo oo fuliyaan iyagoo mideysan waa wasaaradaha, Hay,addaha Dowlada mid walba shaqo ayuu leeyahay, hadana Waxaa ka dhaxeeyo isla shaqeyn, is xasuusin iyo wadatashi, kadib in Wasaarad kasta shaqadeeda iyada qabsato, Qorshahan waa qorshe dhamaan Dowlada loo baayahanyahay iney ku wada shaqeeyaan oo adeega bulshada la horumariyo, shanta sano ee soo socota waa in arintan laga wadashaqeeya oo aysan noqon wax buug Keliya ku qoran, marka waa wax saas u wada socda qorshan, Beesha caalamka Marka na arkaan in aan qorshe leenahay ayaa heleynaa kaalmadii aan rabney, waa in la ogyahay Waxaa laguu qabanayo iyo qorshahaaga in laguu fuliyo, laakin hadii aadan qorshe laheyn maxaa laguu qabanaya oo maxaa lagu taageeraya waa waxba, laakin hadii Wasaarada kasta doorkeeda qaadato Waa lagu hormarayaa, waliba waxaan aaminsanahay sida u qoran tahay iney u fuleyso, Waxaa la rabo in laga wadashaqeeyo Dowladnimada qof kasta mas,uuliyad ayaa ka saaran, waa wax la wada leeyahay shaqada socota, anaga Waxaa nahay adeegyada ilaahay hortiis ugu dhaartay iney u shaqeeyaan, marka waa in laga dhabeeya oo qofkatas oo bulshada Koonfur Galbeed ah meel kasta uu joogo iney gaarto, kan tuulada joogo, kan degmada jooga iyo kan Gobalka, waa in waxay u baahan yihin la ogaadaa, sida iney Isbitaal u baahanyihiin, waxbarasho, ceelbiyoodyo, amniga qof kasta iyo magaalo kasta iney wax laga qabto, arintan Waxaa lagu gaarayaa qorshan oo la fuliyo.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhanka kale ka hadlay Falalka Argigixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed isagoona ka hadlay Falkii foosha xumaa ee ay Argigixisada ugeysteen Ganacsatadii Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

“Amniga Argigixisadan waxay kasoo horjeedan noloshada dadka, xitaa waxay rabaa in qofka nolosha lagu ciqaabo, Waad ogeydeen maalin dhaweyd in xaywaankii xitaa dilayaan gaari dameerada raashiinka wadey, maxaa looga baxayaa in la isku tashado oo cadowga Dowlada lagu garabsiiyo iney meesha ka saarto, Qof wadada u taagan in bulshada dhibaateeyo waa in la iska dhiciyaa oo lagu shahiidaa oo la iska dhiciyaa, hadii leedihiin laftagreen ayaa madfac keenayo Waad og tihiin dalka Cunaqabateyn ayaa saaran, Marka wixii aan heli karno oo hub ah waa in la isaga dhiciyaa, waana iska difaaci karaa, Marka shacabka doorkooda ha qaataan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhanka kale ka hadlay Hormarinta dhaqaalaha iyo Dadaalada Dowlada ay ku bixinayso Hirgelinta Deked ay leedahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -