Dagaal culus oo saakay mar kale ka qarxay Guriceel iyo Warrakii Ugu Dambeeyay

Dagaal xoogan ayaa maalintii sedexaad ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, dagaalka ayaana saakay ku bilowday madaafiic iyadoona markii dambe isku bedelay mid toos ah.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa ka socda Waqooyiga magaalada Guriceel gaar ahaan halka loo yaqaan Jaamacada oo ah goobta ay magaalada kaga sugan yihiin xoogaga taabacsan kooxda Ahlu Sunna.

Ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa doonaya in gabi ahaan magaalada Guriceel ka saaraan ciidamada taabacsan Ahlu Sunna oo iyana wali ku fara adeegaya in ay sii joogaan Guriceel.

Dagaalka galay maalintii sadexaad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dagaalka ku dhintay ku jira qaar badan oo kamid ah saraakiisha dagaalka hogaamineysa.

Magaalada Guriceel qeybo kamid ah gaar ahaan aaga dagaalka ka socdo ayaa lasoo sheegayaa in ay yaalaan dhaawacyo iyo dad ku dhintay dagaalka kuwaa ay adag tahay in laga soo qaado goobaha ay yaalaan oo dagaal xoogan uu ka socdo.

 

- Advertisement -