Isku day Afgembi oo ka socda Sudan iyo Ra’isul Wasaaraha dalkaasi oo xabsi Guri la galiyay

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasin ada dalka Sudan ayaa sheegaya in isku day afgembi uu halkaasi ka socdo, waxaana isku daygaasi wada saraakiil katirsan ciidamada milatariga.

Ciidamo milatari ah oon heebtooda la aqoonsan ayaa wada qorshaha afgembigan, waxa ayna ciidamadan saakay xabsi guri galiyeen Ra’isul Wasaaraha dalkaasi  Cabdalla Hamdok iyo masuuliyiin kale.

Warbaahinta dalka Sudan ayaa sidoo kale ku warameysa in ciidamada wada isku dayga afgembi ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah Golaha Wasiirada Sudan iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan.

Internetka Magaalada Khartuum ayaa gabi ahaan hawada laga saaray, waxaana qeybo kamid ah magaalada laga maqlayaa rasaas, waxaana taagan casi xoogan ay dadku daremayaan.

Waxii Warar kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

- Advertisement -