Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay askar uu ku jiray nin xaaskiisa ku dilay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisey sadex askari oo katirsanaa ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Askartan ayaa horey 3 qof oo shacab ah ugu diley magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaaca lagu xukumay dil toogasho ah.

Magacyada ragha xukunta toogashada ah lagu fuliyey ayaa waxay kala yihiin:-

1-Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure

2-C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi

3-Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay Marxuum Cawil Colow Xasan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -