(Akhriso) Beesha caalamka oo ka jawaabtay go’aankii dowlada Somalia kaga hor timid hanaanka deeqaha Somaliland

Wakiilada Beesha caalamka u jooga Somalia ayaa ka jawaabay qoraal ay dowladda Somalia u dirtay oo ku saabsanaa in la joojiyo heshiiska macaamilka gaarka ah ee degaanada Somaliland lagu siin jiray deeqaha Somalia.

Qoraal  ay soo saartay  Beesha Caalamka oo look ala diray madaxda sare ee dowlada ayaa lagu sheegay in dhinacyada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ay isla garteen sanadkii 2013 heshiiskii New Deal si Somaliland u hesho saamigeeda kaalmada loogu talogalay Somalia guud ahaan

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Somaliland ay arrimo badan uga duwan tahay maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Beesha Caalamka oo ku adkeystay mowqifkooda gooni ula macaamilka Somaliland ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay inay soo sii socoto qaabkii gaarka ahaa ee deeqaha lagu siin jiray Somaliland, waxayna soo jeediyeen in lagu socdo nidaamkii New Deal inta xal kale la helayo.

HOOS KA AKHRISO JAWAABTA BEESHA CAALAMKA OO ENGLISH KU QORAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -