Wasiiradii ugu horeeyey ee Xukuumada cusub oo xilka la wareegay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu qabtay wasiirkii hore ee Maaliyadda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dayn cafinta. isagoo u rajeeyey wasiirka xilka la wareegay in uu si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamse ayaa tilmaamay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda in uu yahay shaqsi aqoon u leh arrimaha maaliyadda, wasaaraddiisuna ay tahay ishii ay eeganayeen hay’adaha kale ee dowladda.

Wasiirkii hore ee Maaliyada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu saameynta badnaa dowladii Madaxweyne Farmaajo, waxaana si weyn loogu amaanaa shaqooyinkii uu ka qabtay deyn cafinta, dhismaha nidaamka Maaliyada dalka, bixinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada oo aan hal bil baaqanin muddo shan sano iyo arrimo kale, inkastoo lagu dhaliilo inuu keeni waayey xisaab xirka miisaaniyada dowlada ee muddo shan ah.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Gaadiidka Hawada iyo Duulista, Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wasiirka cusub Marwo Fardowso Cismaan Cigaal.

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo Wasiirka cusub Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa xilka la kala wareegay.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirradii hore sida ay ugu soo shaqeeyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna u rajeeyey Wasiirrada xilka la wareegay in Alle uu u fududeeyo gudashada waajibaadka Qaran ee loo xil saaray.

Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bii’ada iyo Isbeddelka Cimillada Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegtay, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Waaxda Bii’adu ay hoos tagi jirtay xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Salah Jama ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiiru dowlaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani iyo Wasiiru dowlihii hore Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir

- Advertisement -