Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Paul Simkin iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo gaaray magaalada Garawe (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Mudane Paul Simkin.
 
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda , sidii la iskagakaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland.
 
Gabagabadii Madaxweyne Ku-xigeenka  ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa Dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ku ah mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ka digay Aargudasho Al Shabaab sameeyaan

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo go’aan kasoo saaraya Canshuurta Iibka ee lasoo rogay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo tababar usoo xiray Ciidamo aad u hubeysan oo dagaal la galaya Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---