Wasiiro iyo Masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka oo loo diidan yahay in ay tagaan Garawe

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in wafdi isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya loo diiday in ay tagaan magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdfigan dowlada federaalka katirsan ayaa saacado badan ku sugan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxa ayna wali sugayaan fasax ay ka helaan maamulka Cabduweli Gaas si ay u tagaan magaalada Garawe.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Puntland ayaa ku gacan seeray dadaalo ay wadeen Isimada iyo siyaasiyiin kale uu ku jiro Senataro Cabdiraxmaan Faroole kuwaa oo u ololeenayay in ay Garawe yimaadaan wafdiga dowlada ee kasoo jeeda Puntland.

Magaalada Garawe waxaa wali ka socda dadaalo lagu doonayo in wafdigan ay dowlada federaalka usoo diray in ay kor kala socdaan doorashada Madaxweynaha Puntland in loo ogolaado in  ay soo gaaraan magaalada Garawe.

Bayaan ay dhawaan soo saareen Isimada Puntland iyo Qaar kamid ah Musharaxiinta Mdaxaweyne ayaa isku raacay in ay Garawe imaan karaan masuuliyinta dowlada iyo cid kasto oon wax u dhimeyn nabad  galyada deegaanka.

Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maamulkiisa soo saaray go’aano Puntland looga mamnuucayo in ay yimaadana inta doorashada socoto masuuliyiinta iyo shaqaalaha kale ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -