Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Sh/hoose & Ku-xigeenkiisa

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/casiis Laftagareen ayaa xilkii ka Qaaday Guddoomiyihii Gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) iyo Ku-xigeenkiisa dhinaca amniga.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Laftagareen ayaa sidoo kale lagu magacaabay maamul cusub oo bedelaya masuuliyiinta xilka laga qaaday.

Laftagareen ayaa Maxamed C/raxiin Nuur u Magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose, halka axmed Cumar Maxamed laga dhigay ku-xigeenka dhnaca amniga ee gobolkaas.

Wareegtada lagu xusin sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo xilkaas haya muddo aan badneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Xukuumada Soomaaliya oo beenisay Warar laga faafiyey Ra’isul Wasaare Rooble

Caydiid Ali

Muxuu yahay heshiiska cusub ee dowlada Soomaaliya dhowaan la galayso Kenya?

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhigiisa Jabuuti oo Wadahadal yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---