Madaxweyne Saciid Deni oo Garowe ku laabtay ka dib safar uu ku tegay dalka..(Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Deni ayaa todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta oo maamulkiisu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan, iyadoo sida la ogyahay shirkadda DP World ee dalkaas laga leeyahay ay gacanta ku heyso dekeda Boosaaso.

Inkastoo Deni uusan faahfaahin ka bixin socdaalkiisa haddana wararka qaar ayaa sheegaya inuu la xiriiray xalinta khilaaf soo dhex galay Puntland iyo DP World kaasoo salka ku haya tabasho dhinac walba uu ka qabo dhinaca kale.

Puntland ayaa ka careysan horumar la”aanta ka jirta dekeda Boosaaso, iyadoo isha ka heysa sida DP World ay u dhistay dekeda Berbera, halka shirkadan ay iyana ka careysan tahay Dhismaha dekeda Garacad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -