Maxkamad galabta lasoo taagay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Maxkamada oo diiday in …

Waxaa galabta Maxkamada gobolka Banaadir lasoo taagay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame , oo habeen hore xabsiga u taxaabeen Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

C/Raxmaan C/Shakuur ayaa la geeyay maxkamada gobolka Banaadir maadaama uu dhameestay waqtigii loogu tala galay in  uu xirnaado oo aheyd 48-saacadood, waxaana dhageysiga dacwadiisa goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo Masuuliyiin kale.

Sida aan Wararka ku helnay Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa Maxkamada ka codsaday in la siiyo mudo shan maalin ah ay kusoo dhameestiraan baaritaanka eedeemaha loo heesto Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur .

Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay C/raxmaan dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, waxa ayna xeer ilaalinta sheegeen in cadeemo loo hayo dambiyada qaar ee lagu soo eedeeyay siyaasigan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa diiday dalabka Xeer ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo, laguna soo dhameystiro baaritaanka eedaha loo heysto

Waxaa la filayaa in maalinta berito dib la isugu soo laabto Maxkamada si loo guda galo dacwada lagu soo eedeeyay C/raxmaan C/shakuur, waxaana xeer ilaalinta laga sugayaa in ay soo dhameestiraan dambiyada Siyaasiga lana yimaadaan Cadeymo buuxa.

Ciidamada amaanka ayaa habeen hore gurigiisa ka xiray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo lagu eedeeyay Qiyaano qaran iyo in uu u adeegayay dowlado shisheeye .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -