Dal Afrikan ah oo Booliis u qortay rag Shiinees ah iyo Qeylo dhaan ka dhalatay (Daawo Sawirada)

Dowlada Zambia ayaa ciidankeeda booliiska kusoo dartay Muwaadiniin u dhashay dalka Shiinaha oo dalkaasi kunoolaa, waxaana tilaabadan si weyn uga carooday dadka u dhashay Zambia.

Booliiska dalka Zambia ayaa qortay 8-askari oo shiinees ah kuwaa oo kamid noqonaya ciidamada Keydka ee booliiska, waxaana ciidankan Shiineyska ah si toos dalkaasi uga shaqo bilaabeen maalintii shalay kadib munaasabad loo sameeyay.

Ciidamadan cusub ee lagu biiriyay booliiska Zambia ayaa la sheegay kaliya in ay shaqeyn donaan hal galin , waxaana markii ugu horeesay la arkay maalintii shalay iyaga oo dareeskooda xiran oo shaqo ku jira.

Tilaabadan raga Shiineeska ah loogu biiriyay booliiska Zambia ayaa dhalisay caro weyn oo dadka ka imaaneysay, waxaana sharci yaqaanada dalkaasi u dhashay sheegeen in aysan ciidanka Zambia ku biiri karin shaqsi labo dhalasho heesta.

Garyaqaan u dhashay dalka Zambia oo lagu magacaabo Dickson Jere ayaa sheegay in sharci daro tahay in booliiska qortaan ajaaniib labo dhalasho heesata, waxa uuna cadeeyay in dastuurka Zambia uusan raali ka aheyn in ciidanka amniga kamid noqdaan dad labo dhalasho heesta.

Afhayeenka booliiska dalka Zambia Esther Mwata-Kotongo , ayaa difaacay tilaabadan booliiska loogu qoray dadka Shiineeska, waxa uuna tilmaamay in askartan Shiineyska ah shaqeenayaan iyada oo kor laga kormeerayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -