Allbanaadir.com
NEWS

Afhayeenkii Aqalka Wakiillada Mareykanka oo xilka laga qaaday iyo saaxiibadiis oo dhabar jabiyay

Mooshinka xilka looga qaaday afhayeenka Aqalka wakiillada dalka Mareykanka waxaa gudbiyay xubno katirsan xisbiga Jamhuuriga uu hormood u ahaa siyaasiga mayalka adag ee Matt Gaetz oo mar saaxiib dhaw la ahaa guddoomiyaha xilka laga tuuray.

Kevin McCarthy, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa tan iyo markii la doortay golaha wakiiladda Mareykanka ku hogaaminayey aqlabiyad kooban, waxa uuna hoggaamiyaha mucaaradad kala kulmay xubno katirsan xisbiga Jamhuuriga uu katirsanaa.

Xil ka-qaadista McCarthy ayaa waxaa sabab u ahaa kadib markii ay ka horyimaadeen xubnaha midigta fog ee xibisga Jamhuuriga, kuwaa oo ku eedeeyay inuu heshiis qarsoodi ah la galay Aqalka Cad si uu u sii wado maalgelinta Ukraine.

Kevin McCarthy xi ka qaadista lagu sameeyay ayaa noqoneysa qofkii ugu horeeyey taariikhda Maraykanka ee aqalka wakiillada ka waaya kalsoonida lagana laga tuuro xilka. waxa ayna tani soo afjareysaa  is qabqabsi ka dhex jiray xisbiga Jamhuuriga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Itoobiya oo maanta anisixiyey sharci shaki ku abuuray dad badan

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arrimo badan oo Muhiim ah kala hadlay Axmed Al-qeyd

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada dalka Sudan iyo Milatariga oo go’aano adag soo saaraya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---