Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al Shabaab oo Shaacisay in ay dileen Askar badan oo u dhalatay dalka Kenya

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax lala beegsaday askar u dhalatay dalka Kenya oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Jubada Hoose, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala beegsaday kolonyo gaadiid milatari ah oo ay wateen ciidamo katirsan milatariga Kenya ku sugnaa deegaanka Kaamboodi ee gobolka Jubada Hoose.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxan miino ee lala eegtay milatariga Kenya ku dhinteen ugu yaraan 8-askari tiro kalana ku dhaawacmeen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in qaraxa waxyeelo gaarsiiyay qaar kamid ah gaadiidka ciidanka Kenya.

Milatariga Kenya ayaan ka hadlin qaraxan Al Shabaab masuuliyadiisa sheegteen, mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan qaraxa ay ku dileen askarta u dhalatay Kenya ee ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha shacabka oo ugu dambeyn go’aan ka gaaray xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Degmada Hodan oo xilka laga qaaday iyo Xil kale oo loo magacaabay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Ammar cusub kusoo rogay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---