Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyihii Degmada Hodan oo xilka laga qaaday iyo Xil kale oo loo magacaabay

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya  in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Degmada Hodan ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxman Cumar Yariisow ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii degmada Hodan, waxaana xilkaasi si KMG ah loogu magacaabay in uu sii hayo mid kamid ah Gudoomiye kuxigeenada degmada Hodan.

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u magacaabay Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Maxamed Axmed Cantoobo in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Arimaha Bulshada dowlada Hoose.

Dhawaan ayaa la filayaa in xilka laga qaado qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana miiska saaran oo si weyn loo hadal hayaa in xilka laga qaadi doono ku dhawada 10- Gudoomiye Degmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo ka qarxay Guriceel iyo Ciidamada Huwanta oo Dhoor Jiho ka galay

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo isku dhiibay kuwa DF (Daawo)

Caydiid Ali

Weerarada Xuutiyiinta oo saameyn adag ku yeeshay Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---