Sheekh Shariif oo arin muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Guudlaawe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
 
Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka ka bilowday iyo sidii loo dar dargalin lahaa doorashada hartay.
 
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Dowladda Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran.
 
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle kala hadlay walaaca ay ka qabaan dib u dhaca doorashada , waxa uuna ugu baaqay in si deg deg ah loo guda galo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -