Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Difaaca DF oo kulamo xasaasi ah la qaatay Saraakiil ka tirsan EUTM-S (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga DFS, Avv. Xasan Xuseen Xaaji, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar ayaa booqday Xarunta Dhexe ee saraakiisha ciidamada Midowga Yurub ee qaabilsan tababarada ciidamada DF (EUTM-S)

Intii uu booqashada ku joogay EUTM-S Wasiirka waxaa uu kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka EUTM-S, Brig. Gen. Zinzone.

Kulankaas ayaa ku saabsanaa hawlaha tababbarka iyo la-talinta EUTM-S ka taageerto Ciidanka XDS iyo sidoo loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka ayaa sidoo kale Waxaa uu kulan la qaateen Saraakiil ka socda Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray Xoojinta taageeradda Dowlada Mareykanka ee CXDS iyo Iskaashiga militariga.

 

Related posts

Magacyada iyo Sawirada Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Boris Johnson oo ka carooday hadal si kaftan ah loo jeediyey

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo Axmed Faal oo Nabadoon caan ah ku xirtay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---