Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Lafta Gareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo Al Shabaab go’doomiyeen(Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Xudur waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Lafta Gareen masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed, Odayaadha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xudur.

Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tagay magaalada Xudur ayaa ujeedkiisa lagu sheegay  ka jawaabida Baahiyaha Haysta Bulshada ku Nool Degmada Xudur oo sanado badan go’doon ku jira.

Magaalada Xudur iyo degmooyin kale oo katirsdan gobolka Bakool ayaa sanado badan ku jira go’doon ay saareen Al Shabaab, waxaana deegaanadaasi hada laga soo sheegayaa in ay heesato xaalad adag oo dhinaca nolosha ah oo ka dhashay go’doonka saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Liiska Wadamada Dunida ugu farxada badan (Soomaaliya xagee kaga jirtaa)

Cabdi Cade

Ms. Tsai Ing-wen oo markii labaad ku guuleysatay doorasho Madaxweyne

Caydiid Ali

Muxuu RW ku-xigeenka dalka ku soo arkay dekeda Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---