Madaxweyne Macron oo qaaday talaabo ay ku dhiiran waayeen Madaxdii ka horeysay

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa dambi aan la cafin karin ku tilmaamay hawlgal 60 sanadood ka hor ciidamada Faransiiska ku laayeen dad Aljeeriyan ah oo ku magaalada Paris ka sameynayey dibad-bax cabasho ah.

Mr Macron ayaa u sheegay ehellada dhibanayaasha sannad -guurada 60 -aad ee ka soo wareegtay markii dhiiggu daatay in “dembiyo” ay galeen taliska booliska Paris Maurice Papon.

Waxaa uu cambaareeyay falka boliiska isagoo ku ku tilmaamay mid aan marmarsiinyo lahayn, hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu raaligelin bixiyo oo keliya.

Macron ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaasi oo ka qeyb galo munaasaabd loogu murugoonayo dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay hawlgalkaasi booliska dalkaasi ee 17-kii Oktoobar sanadkii 1961-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -