Madaxweyne Laftagareen oo u mahad celiyay Guddi shaqo wanaagsan qabtay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudiga ku-meel gaarka ee gargaarka dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Gudiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha uqabsoomay iyo Socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland waxaana ay tilmaameen Gudiga in ay ku guuleysteen sidii dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo iyo sida Dib udejin ugu Samayeen Dadkii Dalbaday in Puntland ay kusii shaqaystaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Gudiga isagoona amaanay Dadaalkooda Shariifka ahaa ee ay ku bixiyeen ugar-gaarida Dadkii Masakiinta ahaa ee sida aan wanaagsanayn loola soo dhaqmay.

“waxaan idinku amaanayaa idinkagana mahadcelinayaa shaqada quruxda badnayd ee aad kasoo qabateen magaalooyinka gaalkacyo iyo garoowe oo maalmo usoo joogteen sidii aad ugarab istaagi lahaydeen walaalaha sida qaabka daran loola soo dhaqmay ee laga soo musaafuriyey magaalada laascanood, waxaan idinku bogaadinayaa inaad sii kordhisaan garab istaagaa sidii wax loogu qaban lahaa dadka danta yar ee lagu soo dhibaateyey maamulka soomaliland,anigoo kaashanayo madaxda ugu saraysa dalka iyo saaxibada beesha caalamka waxaan xooga saari doonaa sidii dadkaasi ay uheli lahayeen dib udejin iyo shaqo abuur loogu sameeyo deeganadooda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhanka kale Tilmaamay in Dadka laso musaafuriyey loo samayn doono Shaqo Abuur si noloshooda ay wax ugu bedelaan.

- Advertisement -