Ciidamada NISA iyo kuwa Shisheeye oo howlgal ku dilay Saraakiil iyo Xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Howlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Habeenimadii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-ka Bisha ayaa kooxda Al Shabaab ee howlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhul hawd ah, Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaana iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -