Dalal joojiyey lo’da laga soo dhoofiyo dalka K/Afrika & sababta ka dambeysa

Xukuumada Zimbabwe ayaa noqotay dowladii 3aad ee ka mamnuucday hilbaha xoolaha looga soo dhoofiyo dalka Koonfur Afrika kadib markii xanuuno laga helay.

War kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka Simbabwe ayaa lagu sheegay in la joojiyay keenista hilbaha laga laga dhoofiyo dalka Koonfur Afrika waxaana Wasaaraddu sheegtay in iyadoo laga fekerayo badqabka dadka si ku meel gaar ah loo joojiyay.

Baarayaal caalami ah ayaa sheegay in Lo’da Koonfur Afrika laga helay xanuun ku dhaca cagaha iyo afka sidaas darteedna la ogaaday in fiyruskaas uu faafi karo.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Xanaanada xoolaha Simbabwe ayaa sheegay in la faray ciidamada xaduudaha illaaliya inay joojiyaan hilbaha Koonfur Afrika laga keeno inta la xaqiijinayo caafimaadkooda.

Waa markii labaad muddo sanad ah oo ay dawlada Simbabwe sheegto inay hakinayso hilbaha looga dhoofiyo Koonfur Afrika.

Dhawr dawladood oo kale oo ay ka mid yihiin Botswana iyo Swaziland ayaa sidaas oo kale joojiyay hilbaha Koonfur Afrika looga keeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -