Cumar Cabdi oo la kulmay Wasiir katirsan Taalibaan iyo Balanqaad loo sameeyay !

Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF, Omar Abdi ayaa sheegay inay Madaxda Daalibaan ballan qaaday inay Gabdhaha sida ugu dhaqsaha u bilaabi doonaan Tacliinta Dugsiyada Sare.

Omar Abdi oo ah Somali Canadian waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu  ku qabtay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, wuxuuna xusay inuu la soo kulmay Madax ka tirsan Ururka Daalibaan, oo uu kala hadlay sidii Gabdhaha loogu oggolaan lahaa inay wax bataan.

Ku-xigeenka Hay’adda UNICEF oo Isbuucii hore booqday Caasimada dalka Afganistan ee Kabul waxa uu tilmaamay in Shan Gobal oo ka mid ah 34-ka Gobal ee Afganistan ay mar hore oggolaadaan inay Gabdhaha wax ka bataan Dugsiyada Sare.

Wuxuuna xusay in Goballada ay Gabdhaha dhigtaan Dugsiyada Sare kala yihiin: Balkh, Jawzjan, Samangan, Kunduz iyo Urozgan.

Omar Abdi waxa uu xusay inuu la kulmay Wasiirka Tacliinta ee Maamulka Daalibaan, isla markaana uu sheegay inay ku hawlan yihiin Jadwalka Shaqo si dhamaan Gabdhaha Reer Afganistan u sii Waddan lahaayeen ee horey loogu hakiyey Fasalka 6-aad.
Wasiirka waxa uu qabsaday 2 ilaa 3 bilood, si Gabdhaha u bilaabi lahaayeen Tacliinta Dugsiyada Sare.

Dhinaca kale, 20-kii sano ee la soo dhaafay 10 milyan oo Arday ayaa dhigan jirtay Qeybaha kala duwan ee Dugsiyada dalkaasi, iyadoo 4 milyan ahaayeen Arday Gabdho ah.

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNICEF, Omar Abdi waxa uu ugu dambeyntii ku sheegay Shirka Jaraa’id in 10-kii sano ee la soo dhaafay ay tirada Guud ee Ardayda Reer Afganistan sare u kaceen ilaa 18,000 Arday.

Omar Abdi waa mas’uulkii u sareeyey ee ka socda Hay’adda UNICEF ee booqday dalka Afganistan tan iyo markii ay Ururka Daalibaan Talada dalkaasi la wareegeen bishi August 15-dii ee sanadkan 2021-ka.

Waxaa xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNICEF loo magacaabay bishii July 6-dii ee sanadkii 2016-kii

W/Q Ustaad Nuradin

- Advertisement -