Shan ruux oo caawa ku geeriyootay Hargeysa & Sideed dhaawacmay ka dib markii..

Shilkii gaari ee ugu khasaaraha badnaa mudooyinkan ayaa caawa ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

Shilkan ayaa dhacay ka dib markii laba gaari oo kala ah Noah iyo DYNA ay fooda isku dareen bartamaga magaalada Hargeysa sida uu sheegay Taliyaha ciidanka booliska Somaliland.

Agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa isna sheegay in dhaawaca sideed qof oo shilkaas ay ka soo gaartay waxyeelo kala duwan la dhigay isbitaalka kuwaasoo uu xusay in labo ka mid ah ay xaaladoodu liidato.

Shilkan markii uu dhacay ayuu sheegay Agaasimaha iney gurmad deg deg ah u fidiyeen dadkii uu khasaaruhu ka soo gaaray, isla markaana haatan dhaawacyada lala tacaalayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -