Allbanaadir.com
NEWS

Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka IGAD oo ka furmay Addis ababa (Daawo Sawirro)

Shir madaxeedka aan cadiga ahayn ee 32-aad oo dalalka IGAD ay ka yeelanayaan xaaladda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka furmay magaalada  Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa shirkan ka qeyb galaya madaxda IGAD oo la filayaa inay isla caawa kasoo baxaan go’aano ku saabsan dadaalka nabadda ee Koonfurta Suudaan.

Shirka ku sugan madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore ee hoggaamiya mucaaradka Riek Machar oo isku gacan qaaday bilowgii kulanka.

Shirkan waxaa ka horeeyay kulan ay galabta yeesheen wasiirada arrimaha dibadda dalalka IGAD oo lagu diyaariyey ajendayaasha iyo go’aanada kasoo baxaya shirka madaxda IGAD.

Waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya shirkan wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta gaaray Addis ababa.

Maamulka Somaliland ayaa dacwad ka gudbiyey wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo ay sheegeen inuu dhinac u xaglin ah uga hadlay arrinta xiisadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga FEIT oo fariin xasaasi ah u diray Xildhibaanada aan qaadan shahaadada

Caydiid Ali

Damaca Mucaaradka Dowladda uu Hogaamiyo Farmaajo Iyo Saameyntiisa! 

Cabdi Cade

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Xildhibaanada oo lagu amray in Telfoonada damiyaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---