Maleeshiyaad Hubeesan oo Istaajisay howlihii shaqo ee ka socday Dekadda Hobyo

Wararka ka imaanaya magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeesan oo deegaanka kasoo jeeda maanta hakiyeen howlihii shaqo ee ka socday Dekadda Hobyo.

Sida aan wararka ku helnay dekadda Hobyo waxaa kusoo xirtay doon weyn oo ganacsato kasoo jeeda Galmudug alaabo kala duwan ugu rarneyd, waxaana gabi ahaan istaagay howlo la doonayay in alaabahaasi looga dejiyo doonta.

Maleeshiyaadka hubeesan ee tagay dekadda Hobyo ayaa la sheegay in amar ku bixiyeen in aan alaabaha saaran laga dejin karin doonta ilaa laga siiyo lacago baad ah oo ay ka dalbadeen ganacsatada alaabaha u raran yahay.

Ganacsatada doonta soo raratay ayaa dhankooda la sheegay in ay ka biyo diideen in ay bixiyaan lacagta maleeshiyaadka codsadeen, waxa ayna ganacsatada ku doodeen in lacago canshuuro ah siiyaan maamulka Galmudug oo maamulada Dekadda Hobyo.

Masuuliyiin iyo odayaal kasoo jeeda magaalada Hobyo ayaa wada dadaalo xal looga gaarayo xiisada ka taagan Dekadda Hobyo oo mudooyinkii dambe ganacsatada Galmudug bilaabeen in dooman u raran kala soo dagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -