Afar Nin oo Walaalo ah oo hal goob ku dhintay iyo dad badan oo aad uga naxay

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku waramaya in afar nin oo Walaalo ah ay ku dhaceen ceel biyood sidaasna mar qura kuwada geeriyoodeen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in afartan nin ay ku dhaceen ceelka oo kuyaalay togga Faafan oo hoostaga magaalada Jigjiga xili halkaasi joogeen, waxaana ragan walaalaha la sheegay in ceelkaasi ugu tala galeen in ay ka waraabiyaan beer ay lahaayeen.

Ehelada ragan ceelka ku dhacay kuna geeriyooday ayaa sheegay in saacado kadib ogaadeen falkan argagaxa leh kadib markii uu soo war galiyay nin Oromo ah oo shaqaalo ka ahaa beerta shilkan ka dhacay.

Dad badan oo aad uga naxay ayaa si deg deg ah u gaaray ceelka ragan ku dhaceen kuwaa oo goobta gaaray xili ragaasi walaalaha ah ay geeriyooden, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dad badan oo deegaankaasi kunool aad uga naxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -