Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Dayniile oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay qarax Miino lagu dilay taliyihii ciidamada Hay’adad Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka u qaabilsanaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Abdishakuur Raage (Abdi Yare ).

Sida aan wararka ku helnay gaari Cabdi Bille ah uu la socday taliyaha ayaa qarax miino lagula eegtay Deegaanka Ceel Shaale ee kuyaala duleedka Degmada Dayniile xili ay howlgal ku jireen ciidamo katirsan Nabad Sugida gaar ahaan kuwa Duufaan.

Qaraxa ayaana waxaa ku dhintay taliyaha NISA ee degmada Dayniile iyo qaar kamid ah ciidamadii la socday, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay qaar kale oo kamid ah ciidamada Nabad Sugida.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan miino ee lagu dilay taliyihii Hay’adda Nabad Sugida Degmada Dayniile, kooxda Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyada qaraxan.

Al Shabaab ayaa marar badan qaraxyo miino ku weerartay taliyahan maanta geeriyoday, waxaana warar aan helnay sheegayaan in sargaalkan horey uga tirsanaa Al Shabaab balse markii dambe kasoo goostay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -